Yemen: Duqeymo Cirka Ah Oo Lagu Dilay Ugu Yaraan 22 Qof
Sanca, Yemen – Ugu yaraan 22 qof ayaa ku dhintay, halka 30 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo cirka ah oo Sabtidii lala beegsaday tuulada Al-Shariya, oo ku taalla meel u dhow caasimadda Yemen ee Sanca. Wasaaradda Caafimaadka ee maamulka Xuutiyiinta Yemen ayaa xaqiijisay khasaaraha ka dhashay weerarrada, iyadoo sheegtay in tiro badan oo dad ah ay ku dhaawacmeen duqeymahaasi. Anees Alasbahi, oo ah afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka, ayaa wakaaladda wararka ee Associated Press u sheegay in duqeymaha ay fulisay dowladda Sacuudiga. Afhayeenka ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X ku sheegay in weerarradu ay haleeleen dhowr guri oo ku yaalla tuuladaasi, taasoo sababtay dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ah.