Shan Qof Oo Ku Dhintay, Toogasho Ka Dhacday Magaalada Krakow Ee Dalka Poland
KRAKOW, Poland – Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay, tiro kalena way ku dhaawacmeen kadib markii toogasho ay ka dhacday meel u dhow fagaaraha weyn ee suuqa magaalada Krakow, oo ku taalla koonfurta dalka Poland. Booliska ayaa sheegay in dhacdadu ay dhacday abaare 3:00 galabnimo (14:00 GMT) maalintii Sabtida, xilli nin gaari ku watay uu soo galay fagaaraha weyn ee magaalada, kadibna uu gaarigiisa dhexdiisa ka bilaabay inuu si aan kala sooc lahayn rasaas ugu furo dadka halkaasi ku sugnaa. Afhayeen u hadlay booliska ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in weerarkaasi ay ku dhinteen shan qof, halka ku dhowaad 12 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.