Xiisad ka taagan Beledweyne xilli ciidamo & shacab buuxiyeen guriga Ugaas Yuusuf.
Xiisad amni ayaa ka taagan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, xilli ay magaalada ku sugan… Xiisad amni ayaa ka taagan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, xilli ay magaalada ku sugan yihiin Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle, Cabdifataax Xasan Afrax, siyaasiyiin mucaarad ah iyo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas. Ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa nabad-sugidda ee NISA ayaa gaaray guriga Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan, kaas oo xalay ugu baaqay ciidamada beeshiisa ee ku sugan furimaha dagaalka inay ka soo baxaan, xilli ay sii xoogaysanayso xiisadda u dhexaysa maamulka Hirshabeelle iyo reer Hiiraan.