Puntland oo diyaar-garaw ugu jirta hawlgal ka dhan ah kooxda Alshabaab.
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa habeeninimadii xalay qasriga Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Garoowe kulan… Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa habeeninimadii xalay qasriga Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Garoowe kulan casho oo dhiirigelin ah ugu sameeyey taliyayaasha iyo saraakiisha ciidamada kala duwan ee Dowladda Puntland. Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, Golaha Garsoorka, Xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, La-taliyeyaal Madaxweyne, Masuuliyiinta Hay’adaha amniga, Taliyeyaasha Ciidanka Dowladda Puntland, Saraakiisha iyo Ciidamada kala duwan .