Shalay waxay ahayd Murasade; maantana waa Xawaadle - Immisa beelood oo kale ayaa dareemaya in lagu soo socdo?
Waxaan damqasho, murugo iyo walaac xooggan ku dhegaystay farriinta Ugaaska Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif. Carada, murugada, tabashada iyo digniinta hadalkiisa ka muuqatay waa inay kiciyaan dareenka qof kasta oo Soomaaliyeed oo ka damqanaya mustaqbalka dadkiisa, dalkiisa iyo deegaankiisa. Marka hoggaamiye dhaqameed uu xubnaha beeshiisa ee ciidanka qaranka ku jira ugu baaqo inay ka soo baxaan oo ay difaacaan jiritaanka, sharafta iyo karaamada beeshooda, waxay muujinaysaa in xaaladdu gaartay heer aad u halis ah.